Sharafta dumarka

Marka aynu ka hadli sharafta dumarka, waa muhiim in aynu hilmaamin mas’uuliyada hooyooyinka iyo aabayaasha.

Bulshada soomaliyeed ee wadankan dagan waxay u badanyihiin dad ilaahay ka cabsanaya oo diinta iyo dhaqanka kor u haya.

Sida aan u arko, dhibka ugu weyn ee waalidka soomaliyeed qurbada ku heysto, meel kasta oo ay tahay waa kan: Sideed ugu barbaarin qurbada ilmo soomaliyeed oo dhaqankii fahansan?

Waalid isaga ama iyada Soomaaliya lagu soo koriyey ayaa iyaga ilmahooda dibada ku korsanaya. Waa bulsho cusub, luqad cusub iyo dhaqan kii wadanka ka duwan. Ilmihii iskoolka wax baa lagu soo barayaa, gurigana wax kale. Sidee loo dhax dhaaxaadin labadaas, siiba marka waalidka uusan dhaqa wadankan si fiican u fahansanayn ama uusan aqbali karin dhaqanka qeeybo ka mid ah? Carruurtii ayaa macalimiin iyo turjumaano u noqonaya waalidkood.

Ilmihii waxay markaa noqonayaan xarig isku soo qabanaya laba daqan. U dhaxeeya labo aduunyo.

Maanta waxaa la i tusay instagram ciyaal soomaliyeed page ay ku sameeyn oo la yiraa ‘qarxis’ kaas oo lagu ‘qarxinayo’ dhalinyar magaalada Helsinki dagan.

Ciyaalka in ay waxaas oo kale sameeyaan waxaa ka dambeysa fikrad ah “waa in aan is daba soconaa oo aan qarxinaa kuwa aan rabno in aan ceebeysano”. Daqankii soomaliyeed inta ugu foosha xun ayeey ka qaateen. Asturaadii diinta ay fareysey waa laga fogaadey.Si gaar ah arrintan waxay u khuseysaa hablaha soomaaliyeed.

Sababta waxaad moodaa sharafta dumarka in khalad loo fahmay. Wiilashaneena iyo hableheena si cadaalad ah ma ula xisaabtano.

Dhalinyarta laba aduunyo dhaxdooda intay ku khal khalin, waxaa waalidka laga rabaa in ay hogaamin karaan ciyaalka, si cadaalad ah. Sinnaanta ma aha wax aan dalkan ka baranay, waa wax ka mid ah nolosha caadiga ah. Hadii kale waxaa dhici in aan ka fogeyno carruurta dhaqankii iyo luqadii.

Waalidka waa mas’uuliyad saaran in ay dhalinyaradooda la socdaan, la hadlaan oo ay bulshada ay ku korinayaan ay fahmaan. Si ilmahooda ay u caawiyaan, si ilmaha kale ay uga magangalaan dhibka ilmahooda ka iman kara.

Maryan

puheenaiheet yhteiskunta
Kommentit (1)
  1. walashey waa qoraal fiican!

Vastaa

Sähköpostiosoitettasi ei julkaista. Pakolliset kentät merkitty *