Waxaad qarsato, wuu ku qarsadaa!

Maahmaah soomaaliyeed ayaa waxay sheegtay: Waxaad qarsato, wuu ku qarsadaa.
Dadka soomaaliyeed ee dalkan daggan, meelo badan oo waxaa jira si aan caddaalad ahayn loola dhaqmo. Saas oo ay tahay, annagu badankeenna, kama dacwoonno oo horey uma gudbinno keysaskan.

Xuquuqda aan leenahay haddii aannu isticmaalin, maxaa faa’iido inoo leedahay?

Haddii aadan hadlin, waa laguu hadli. Maahmaah kale ayaa jirta oo sheegta: Af jooga looma adeego.

Mid naga mid ah wixii lagu sameeyo, annaga oo dhan ayaa nalagu sameyn karaa. Marka soo socota, saa waxaa hubaal ah in dhacdadaas ay soo noqon doonto, oo si aan caddaalad ayahayn laguula dhaqmo, xuquuqdaada ilaasho bani’aadan ahaan oo ka dacwoo, haddii se aad adigu dan iska lahayn, annaga inteena kale darteen fadlan u dacwoo.

-Maryan

puheenaiheet yhteiskunta tasa-arvo
Kommentit (0)

Vastaa

Sähköpostiosoitettasi ei julkaista. Pakolliset kentät merkitty *